Skip to content
🤔 AI effective tips collection 🧠
question:أين ولد عبدالله بن جعفر بن أبي طالب؟

answer:الحبشة

question:Уулду төрөйт, уятын кошо төрөбөйт, Кызды төрөйт, кыялын кошо төрөбөйт.

answer:Уул болсун, кыз болсун ар бир адамдын өз тагдыры, өз жолу өз жашоосу бар. Ата-эне тарбиясына таасир эткени менен эч бири кыял жоругун, жашоосун кошо төрөбөйт экен.

question:9ka nooc ee uu caqli badnata?

answer:9-ka Nooc Ee Caqli Badnaanta.Saykoolajistigii reer Mareykan Howard Gardner, ayaa waxa uu buuggiisa Frame Of Mind ee soo baxay 1983, ku gorfeeyay noocyada caqliga aadanaha, waxaana uu sheegay in marka la qiimaynayo caqli badnaanta dadka la eego sagaal dhinac oo kala duwan, kuwaas oo lagu sheegi karo sagaalka nooc ama dhinac ee caqli badnaanta. Qof walba oo caqli badanina waa in uu noqdo sagaalkaan nooc nooc ka mid ah, iyada oo weliba mararka qaar uu hal qof ahi wada yeelan karo dhawr nooc oo caqli badnaan ah. Noocyada kala duwan ee caqli badnaantuna waxa ay kala yihiin;1. Logical Intelligence (Mathematical Intelligence): dadka caqli badnaanta noocaan ah leh oo ah dad inta badan xisaabta iyo wax isku aaddinta ku fiicani, waa dad feker badan, oo aad u xiiseeya in ay wax walba wax fiican ka ogaadaan, kuwaas oo ay sarreyso awooddooda sababeynta iyo maangalku. Wax walba oo ay qabanayaan ama aaminayaanna waa ay ka fekerayaan ka hor inta aysan go’aan ka qaadan. Dadka noocan ahi caadiyan ma aha dad ay caaddifaddu hoggaamiso, si aad iskula jaanqaaddaanna waxa aad u baahan tahay in aad wax walba u sababeysid. Dadkan inta badan waxa ay noqdaan xisaabiyeyaal, dhaqaaleyahanno, la-taliyeyaal, saynisyahanno, injineerro ama wax la mid ah. 2. Linguistic Intellingence: dadka caqli badnaanta noocaan ah lehi waa dad si fiican u yaqaanna qaabka loo hadlo, ama wax loo soo bandhigo, kuwaas oo ay sarreyso awooddooda eray doorashadu. Dadkani inta badan waxa ay ku hadlaan luqado badan, ama hal mid ah ayey si qotodheer ugu hadlaan, sidoo kalena waa dad ku raaxeysta suugaanta, akhriska, qoraalka, iyo wax walba oo xiriir la leh sirta erayga. Dadkani inta badan waxa ay noqdaan hadal-yaqaanno, barnaamij daadihiyeyaal, siyaasiyiin, yuutuubarro, iibiyeel iyo suuqgeeyayaal. 3. Interpersonal Intelligence: dadka caqli badnaanta noocaan ah lehi waa dad ay sarreyso awooddooda shucuur fahmiddu, waxaana caadi la ah in ay fahmaan dadka kale iyo dabeecadahooda, arrintaas oo keenta in ay qof walba oo dadka ka mid ah ula dhaqmaan si ka duwan sida ay dadka kale ula dhaqmayaan. Dadkani waxa ay xariifiin ku yihiin in ay xirtaan kabaha dadka kale, oo ay fahmaan sheekada iyo dhacdooyinka ka dhex dhacaya nolosha dadka kale, iyo sababaha ka danbeeya. Dadkanin inta badan waxa ay noqdaan maamuleyaal, madaxa shaqaalaha, saykoolajiistayaal, macallimiin, iyo wax la mid ah. 4. Intrapersonal Intelligence: dadka noocan ahi waa dad garasho sarreysa u leh in ay fahmaan nafahooda, dabeecadahooda iyo sida ay shakhsiyaddoodu u shaqeyso. Dadkani waa dad inta badan xorriyad jecel, dadka ka agdhow xusha, saaxiibbo gaar ah leh, yaqaanna waxa dhiba iyo waxa u fiican, sidoo kalena naxariis badan oo dadka u asxaan fala. Dadkani inta badan waxa ay noqdaan dhakhaatiir, saykoolajiistayaal, qoraayo, sugaanyahanno, ama wadaaddo. 5. Musical Intelligence: dadkani waa dad ruux ahaan ula falgala fanka iyo muusigga, oo ku raaxeysta laxammada, erayada, suugaanta, heesaha, xikmadaha iyo wax walba oo la xiriira. Dadkan oo uu aad u xooggan yahay dareenkooda dhageysigu ayaa leh dhago-waddanaan saa’id ah, waxaana ay raaxo, iyo degganaan ku dareemaan wax walba oo dhagtoodu ku raaxeysanayso sida codadka shinbiraha, mawjadaha badda, ruxanka dhirta iyo garaaca kabanka. Dadkani inta badan waxa ay noqdaan laxameystayaal, fannaaniin, abwaanno, biyaaniistayaal, qoobka-ciyaarayaal iyo wax la mid ah. 6. Visual Intelligence: dadka leh caqli badnaanta noocaan ah waxaa sarreysa awooddooda khayaalka iyo sawirashada. Waxaana ay sawiran karaan wax-soo-saar aan soo bixin oo cajiib ah iyo nooca uu noqon doono, iyaga oo inta badan ku kalsoonaada sawir walba oo ay maskaxdoodu u soo bandhigto, kaas oo aan wax xiriir ah la laheyn wixii horay uga jiray dunida. Dadkan oo ay sarreyso awooddooda hal’abuurka iyo wax curinta ayaa inta badan noqda sawirqaadeyaal, aartiistayaal, nakhshadeeyayaal (architect), qorsheeyayaal magaalo (urban planner), ama wax la mid ah. 7. Kinesthetic Intelligence: dadka caqli badnaanta noocaan ah lehi waa dad adeegsada awooddooda jireen si ay wax uga beddelaan nolosha, waxaana ay inta badan muuq ahaan u dooriyaal (dominance) wax walba oo hareerahooda yaal, iyaga oo soo bandhiga awood badnaan jireed, iyo adeegsi muruqeed. Waxaana ay dadkani inta badan caan ku yihiin in ay gacmaha ka hadlaan marka ay sheekeynayaan, iyo in ay inta badan ordaan, socodka ku raaxeystaan, wax walba oo tignikaal ahna loo soo toosiyo. Dadkani inta badan waxa ay noqdaan makaanig, tabobarayaal jiim, jileyaal, ciyaaryahanno, macallimiin nololeed (coach), iyo dhakhaatiir jireed (physical therapist). 8. Naturalist Intelligence: caqli badnaantani waxa ay ka timaaddaa marka uu qofku awood u leeyahay in uu fahmo, oo la falgalo dabeecadda nolosha. Waxaana ay dadkani si ruuxi ah dareen ugu hayaan waxyaalaha aan nooleyn, ama noolaha aan caqliga laheyn. Waxaana ay dadkani inta badan ku raaxeystaan in ay u baxaan baaddiyaha, beeraha, goobaha dalxiiska, meelaha xayawaannadu joogaan, xeebaha, iyo meel walba oo aan laheyn ama ay ku yartahay sancada aadanuhu. Inta badan dadkani waxa ay noqdaan dalxiiseyaal, beeraley, beerwalayaal, sahamiyayaal dhuleed (geologist), dhiryaqaanno (botanist) iyo waxyaalo la mid ah. 9. Existential Intelligence: dadka caqli badnaanta noocaan ah lehi waa dad ku fiican in ay wax iska weydiiyaan macnaha nolosha, jihada aadanaha, sababaha loo sameeyo wax walba oo la sameeyo, sirta nolosha iyo fahmidda walxaha. Dadkan oo ah dad inta badan jaadgooni ah, oo aan dadka dhexgelin, sidoo kalena feker badan ayaa noqda filosoofarro, dhaqaaleyahanno, baloogarro (blogger), qorayaal, mulxidiin ama wadaaddo. Adiga oo ka shidaal qaadanaya kala saaridda Gardner, caqli badnaan noocee ah ayaad leedahay? Midda kale markii aad akhrinaysay sifooyinka noocyada kala duwan ee caqli badnaanta, ma jiraan dad xasuustaada ku soo dhacay?,

question:هل موقق عاصمة السعودية؟

answer:لا، عاصمة المملكة العربية السعودية هي الرياض. بينما محافظة موقق هي إحدى محافظات منطقة حائل في السعودية، وعاصمتها الإدارية مدينة موقق. تقع محافظة موقق جنوب غرب مدينة حائل وتبعد عنها حوالي 63 كم، ويبلغ عدد سكان المحافظة حوالي 22,530 نسمة.

question:Tohizo izao ohabolana izao : "Ny Manankarena Mety Mbola Hijaly,ary ................................................."

answer: "Ny Manankarena Mety Mbola Hijaly,ary Ny Mahantra Mety Mbola Hifaly"

question:ඇම්බැක්කේ දේවාලයේ බෙර වාදන ශාලාවේ ලී කණුවල ඇති විශේෂත්වය කුමක්ද?

answer:බෙර වාදකයින්ගේ ශාලාවේ ලී කණු විවිධ හැඩයන් දෙකක් ඒකාබද්ධ කර සාදා ඇත: අෂ්ටාස්‍ර පාද සහ මුදුන් පේකඩ ලෙස නිර්මාණය කරන ලද චතුරස්‍රයක අසුරන ලද කොළ හතරක හැඩයෙන් අවසන් වේ. මෙම කණු ගම්මාළු, ගිනිසපු, බුරුත, නා, හල්මිල්ල ආදී විවිධ ස්වදේශීය දැවවලින් නිමවා ඇත.

Released under the MIT License.

has loaded